kulan taariikhi ah oo ay ku jiraan labo halyeey oo Afrikaan ah, qeyb libaax-na ka soo qaatay dhaqdhaqaaqii xornima-doonka iyo u gudub-ka dimuqraadiyadda ee waddamada Koonfurta Africa: Madaxweynihii 2-aad ee Koonfur Afrika. Mudane: Thabo Mbeki iyo madaxweynihii 2-aad ee Jamhuuriyadda Mozambique: Mudane Joaquim Alberto Chissano oo khudbad ka jeediyay sannad-guuradii koowaad ee ka soo wareegatay dhimashadii Madaxweynihii ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Zambia. Mudane/ Dr. Kenneth Kaunda






