Sanadkasta Qaaradda Africa waxa ay xustaa maalinta Xorriyadda Africa, inkastoo Maalintan ay Ahmiyad weyn u leedahay shucuubta Africa ayaa waxaa xusuus iyo sharaf gaar ah loo muujiyaa Madaxdii Halganka Xoreynta qeyb weyn ka qaadatay.
Mas’uuliyiin uu ugu horeeyo madaxweynaha dalka Zambia Mr. Hakainde Hichilema, Diplomaasiyiinta ka howlgala Dalka Zambia oo ay qeyb ka aheyd Safiirka Safaaradda JFS ee Dalka Zambia Amb. Hawa Hassan Mohamed ayaa si wadajir ah u ubax dhigay Taalada Xorriyadda ee Dalkan Zambia.
Sidoo kale Xaflad heerkeeda uu aad u sareeyo oo lagu qabtay Xarunta Kalulu Kreativez Center For The Arts and culture (Zambia) ayaa waxaa ka qeyb galay Xoghayaha 1-aad ee Safaaradda Mudane Yasin Ahmed Ali (Yasin Deley) iyo Xoghayaha 2-aad Mudane Hassan Mustaf Isak (Hassan Top).
Inta badan Wadamada Africa ayaa looga dabaal degaa Maalinta oo kale iyadoo Madaxda Wadamada Africa ay soo bandhigaan Hidaha, Dhaqanka iyo Horrumarada ay ku talaabsadeen gumeystihii kaddib.
Safaaradda JFS ee Dalka Zambia
Xafiiska Warfaafinta







